War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha Golaha Ammaanka ayaa looga tacsiyeeyay dowladda Federaalka iyo guud ahaan qoysaski iyo eheladi dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay weerarki Liido, ayagoo u rajeeeyay kuwa ku dhaawacmay inay si deg deg ah uga soo bogsadaan.
Golaha Ammaanka ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka ee dowladda jawaabta ay ka bixiyeen weerarkaasi argagixiso.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa carabka ku adkeeyay in kuwii ka dambeeyay dilka dadka rayidka ah lala xisaabtami doono, wuxuuna goluhu caddeeyay iney kordhin doonaan taageerada dowladda dowladda Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ayaa ku celiyay in argagixisada ay halis ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka.
Leave a Reply