Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiiq Cismaan Jawaari ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay xili kulamo kala duwan uu kaga soo qeeb galay dalka Iraaq iyo Turkiga
Jawaari ayaa Iraaq kaga qeybgalay shirka Baarlamaanada dalalka iskaashiga Islaamka intuu halkaasina ku sugnaa uu kulamo laqaatay masuuliyiin ka qeybgashay shirkaasi
Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu tagay dalka Turkiga halkasi uu kula kulmay dhigiisa cusub dalkasi
Gudoomiyaha cusub ee dalka Turkiga Ismail Kahraman ayaa waxaa la Magacaabay sanadka dhamaaday ee 2015 waxa ayna labada masuul kawada hadleen xiriirka labada Baarlaman iyo sidii loo sii xoojin lahaa
Imaanshaha dag-daga ah ee Gudoomiyaha Baarlamanka dalka Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xili ku xIgeynkiisa Mahad Cabdalla Cawad uu furitaanka shirka looga hadlayay dowrashada uu qilaafay go’aankii ay qabeyn madaxda dowlada Soomaalida taa oo kentay in laga soo saaro maalintii xigtay shirka ka socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Leave a Reply