Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jumuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay jiraan Mus’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Nabadoono qaarkood oo u dooda ama ka daba taga markii la xiro Dad ka tirsan Al Shabaab, ka dibna la sii daayo, taasi oo uu ku sheegay in caqabad ay ku tahay Sugida Amaanka sidaa darteed waxuu ka dhawaajiyey in la joojiyo Arintaasi
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ltilmaamay in uu amar ku siiyey Guddiyada Barlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya in ay san dhicin Dadka Shababka ah ee u xiran Dowlada in aan laga Daba tagi karin
Geesta Kale, Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in markii meel amnigeeda la sugayo in lagama maarmaan ay tahay in ay bilaabaan Mus’uuliyiinta Dowlada si buu yiri tusaalle wanaagsan ugu noqoto Ummada Soomaaliyeed
Hadalkani ayaa waxaa uu Madaxweynaha Dalka ku sheegay Khudbad Shalay uu ka hor jeediyey Mudunayaasha Barlaamaanka Soomaaliya
Halkaan Ka Dhageyso:
Leave a Reply