Muwaadinkan Soomaaliyeed oo da’diisa lagu sheegay 33 jir, islamarkaana lagu magacaabo Mahad Aadan ayaa Maxkamad ku taala Dalka Britian waxey ku xukuntay 11 Sanno oo xarig ah kadib markii sida la sheegay lagu helay in uu Mindi ku dhaawacay Haweeney ku sugan Dalkaasi Britian.
Wakaalada Wararka ee Zegabi ayaa lagu daabacay in Weerarka Haweeneydaasi lagu dhaawacay uu dhacay 16-ka Bishii September ee Sanadda 2013-kii kadib markii sida la sheegay uu xumaaday xiriir ka dhaxeeyay.
Dambiile Mahad Aadan ayaa falkaasi kadib waxuu u baxsaday Dalka Itoobiya halkaasi oo uu ku sugnaa ilaa iyo 2 Sanno balse waxaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow markii uu ku soo laabtay Dalkasi Britain
Sikastaba, Maxkamada Coventry ee Dalkaasi Britain ayaa qaadatay go’aankaasi lagu xukumay Mahad Aadan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed waxaana Xaakimka Maxkamaadaasi uu sheegay in Mahad sidoo kale uu hanjabaado kula kacay Dadkii goobjooga u ahaa xiliga uu mindida ku dhaawacayay Haweeneydaasi.
Leave a Reply