Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay Weerar iskugu jira Cir iyo Dhul oo xalay Ciidamo aan wali la aqoonsan ay ku qaadeen Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Guddoomiyaha Dibad Jooga ah ee Degaanka Aw-dheegle Maxamed Aweys Abuukar ayaa sheegay in Weerarkaasi ay qaadeen Ciidamo Cadaan ah oo wata Ilaa Saddex Diyaaradood islamarkaana Al-shabaab looga dilay ilaa 20 Dagaaleme.
Guddoomiye Maxamed Aweys ayaa intaa ku daray in Weerarka lagu qaaday Al-shabaab ee ka dhacay Aw-dheegle uu u qaab ekaa kii Dowladda Mareykanka ay ka fulisay Degaanada Ceel-dibi iyo Raaso oo hoosyimaada Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan.
“Al-shabaab waxaa ay Dadka Aw-dheegle ku Amreen in aysan ka soo bixi karin Guryahooda illaa hadda Shacabka Banaanka uma soo bixi karaan”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Aweys Abuukar.
Al-shabaab dhankooda waxaa ay sheegeen in ay Fashiliyeen Weerar ay ku soo qaadeen Ciidamo Reer Galbeed ah oo ka dhacay Aw-dheegle,waxaana uu intaa raaciyay in Hal dagaalame oo Shabaab ah Weerarkaasi looga dilay.
Wali ma jirto Cid sheegatay Weerarka Cirka iyo Dhulka ah ee ka dhacay Degaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkaan Ka Dhageyso:
Leave a Reply