Kulan ay maanta ku yeesheen Xarunta ay ku Shiraan Baarlamaanka Maamulka Galmudug Ee Cadaado ayaa waxaa ay ku badaleen Qodob kamid ah Dastuurka Maamulkaasi,kaas oo ahaa qaabka lagu ridi karo Xukumadda iyo Guddoonka Baarlamaanka intaba.
Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Qodobkaasi ka dhigay in Xukumadda iyo Guddoonka Baarlamaanka lagu ridi karo laguna Dooran karo Cod Hal dheeri ah 51%.
46 Xildhibaan ayaa Ogolaatay in Cod Hal-dheeri ah lagu ridi karo laguna dooran karo Xukumadda iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.
Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa maalmahan Dood dheer ka lahaa qaabka lagu dooran karo laguna ridi karo Xukumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne C/kariin Xuseenn Guuleed iyo Guddoonka Baarlamaanka,iyadoo Qodabkaan isbadalka lagu sameeyay hadda uu horay u ahaa in Xukumadda iyo Guddoonka Baarlamaanka ay Codka ku weyn doonaan Saddex meelood Labo Meel.
Halkaan Ka dhageyso
Leave a Reply