Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin Cid si gaar ah lagula Xisaabtamayo Amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
“Aniga ayaa u sareeya hadda Nuucyada Ciidamada Ee Amniga Gobolka Banaadir Mas’uulka ka ah anigana waxaan ogolahay in Shaqadaan la ila qabto”ayuu yiri Cali Gaab.
Sidoo kale Gen. Cali Gaab ayaa sheegay in Gaadiidka mara Wadada Maka Al-mukarama Ee Magaalada Muqdisho,kuwa ay ku Daboolan yihiin Muraayadaha Madoow laga Fujin doono islamarkaana la Joojin doono Gaadiidka ay saaran yihiin Dadka Hubka wada Aqoonsina la weydiin doono.
Dhawaan ayey aheyd Markii Maamulka Gobolka Banaadir lagu wareejiyay Sugidda Amniga Gobolka Banaadir
Halkaan Ka dhageyso:
Leave a Reply