Iyadoo 25-kii Bishii hore ee Febaury Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ay Xukuntay Eedeeysaneyaal loo haystay Dilkii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda ayaa Eedeysaneyaashaasi waxaa ay Racfaan ka qaateen Xukunka ay ku riday Maxkamadda Darajada Koowaad,waxaana ay Racfaankooda u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa horay Dil Toogasho ah ugu Xukuntay C/risaaq Maxamed Barow oo ahaa Shaqsigii Gaariga Marxuumad Hidiyo ku dhajiyay Qaraxii lagu dilay,iyadoo Ragga kale ee Shabaabka ka tirsanaa ay ku riday Xukuno isugu jira Xabsi Daa’im iyo Xabsi Dhowr sano ah.
Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida oo Racfaan ay ka qaateen Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad Eedeysaneyaasha la geeyay ayaa maanta Riday Xukuno kale
1- C/risaaq Maxamed Barow oo 28 jir ah islamarkaana ahaa Shaqsigii Gaariga Marxuumad Hindiyo ku xiray Qaraxa iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo 37 islamarkaana gacan ka geystay Dilka Marxuumadda ayaa Maxkamadda sare waxaa ay Labadooda ku xukuntay Dil Toogasho ah.
Sidoo kale Maxkamadda Sare ayaa Xukuntay Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere,waxaana ay ku Xukuntay Xabsi Daa’im.
Dhanka kale Eedeeysane Cali Xasan Aadan oo kamid ahaa Eedeysaneyaashii Maxkamadda Darajada Koowaad ay Xukuntay Racfaankana ka qaatay Xukunkii hore ayaa lagu Xukumay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Halka Muxuyadiin Cismaan Maxamed Cawaale ay Maxkamadda Sare ku Xukuntay 10 sano oo Xabis Ciisdan ah.
Halkaan Ka Dhageyso
Leave a Reply