Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegey ciidankii ku shahiiday dagaalkii Al-Shabaab ee dhawaan ka dhacay dhul xeebeedka Nugaal iyo Mudug ay u dhinteen sidii shacabkooda nabad ugu noolaan lahaa.
Gaas ayaa ku sifeeyay inay ahaayeen ciidamadaasi naftood hurayaal ah, isla markaana diintooda iyo dalkooda daafacayeen.
Shacabka Puntland dal iyo dibad ayaa waxaa ugu baaqay inay ciidankooda garab siiyaan goor waliba, madama ay ciidanku dantooda iyo sharafkooda u dhimanayan, isagoona bogaadiyay dadka bar bar dagaalamay ciidanka xiligii dagaalka uu socday.
Dagaalka Shabaab ayaa waxaa uu Madaxweyne Gaas tilmaamay inuusan wali dhamaan kooxahaan nabad diidkaana aysan doonay.
Halkaan Ka, Dhageyso
Leave a Reply