waxaa warbaahinta loo soo bandhigay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ciidamada difaaca Puntland la galeen kooxda Al-shabaab ee aaga Garacad, kuwaas oo gaaraya 46 nin.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xisri Cali Qar jab ayaa sheegay in maxaabiista Puntland ku qabatay dagaalkii ay la gashay Al-shabaab aan wax dhibaato ah loo gaysan, balse la marin doono sharcigu wuxuu ka qabo.
46-da maxaabiista ee maanta loo soo bandhigay warbaahinta waxaa ku jira dhalinyaro yar yar, oo dagaalka ku jiray , madaxweyne Gaas ayaa shalay ka sheegay degmada Jariiban in Carruurta yar yar ka ah Puntland xanaanayn doono, si alle u jidka toosan ugu hagaajiyo.
Leave a Reply