Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa gaaray iyo Wafdi iskugu jira Labada Gole ee Dowladda Galmudug ayaa Goor dhaw gaaray Degaanka Afbarwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug.
Madaxweynaha ayaa halkaa waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degaankaasi,waxaana Madaxweynaha uu la hadlay Dadkii halkaa ku soo dhaweeyay.
C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug ayaa Dadka Afbarwaaqo uga mahad celiyay garab istaaga ay Ciidamada Galmudug ku gacan siiyeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona Furimaha ay Ciidamada Galmudug kula Dagaalameen Al-shabaab iyo Degaanka Budbud ee Maamulka Galmudug.
Waxaa Goobaha uu Madaxweyanah Boqanayo Ka Barkacay Boqalal Ruux oo Shacab Kuwas oo Doorbiday inay Garaan Degaano Kale oo Aysan Colaad Ka Jirin .
Safarka Madaxweynaha Ayaa Noqon doono Mid Dadka Lagu Bogaadiyo Sidoo Kalan uu Kula Dar Darmidoono Inay la Dagalamaan Al- shabab .
Halkaan Ka Dhageyso:
Leave a Reply