Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa maanta Isbitaal ku yaalla Magaalada Garoowe ku booqday Askar ka tirsan Ciidamada Puntland,kuwaasoo ku dhaawacmay Dagaalkii ay la galeen Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mid mid u Gacan qaaday Askarta Ciidamada Puntland,kuwaas oo uu Xusay in ay Difaaceen Degaanada Puntland oo Shabaab ku soo duulay.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Puntland u jooga wada Xaajood u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda Puntland oo ku aadan sidii Puntland loogu qancin lahaa qaadashada Nidaamka 4.5.
Dhawaan ayay Ahayd markii Putland ay Si Rasmi ah u shaacisay inay Qasaaro uu Ka Soo Garya Dagaalka Al- shabab kula galeen Degaanaada Maamulakasi.
Waxaan Maalmihii Danbe La soo Bandhigayay Dhalin yaro Ka Tirsan Al- shabab oo Lagu Qabtay dagaalka,
Halkaaan Ka dhageyso:
Leave a Reply