Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in Al-shabab ay halkaa ku dileen Nin u dhashay Wadanka Tanzania,kaasoo ay ku Eedeeyeen inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.
Al-shabaab ayaa ninkaan ay dileen waxaa lagu Magacaabaa Ciise Jeemis,iyagoo tilmaamay inuu Mudo Wardoon u ahaa Dowladda Mareykanka.
Dilka Ninkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Goob Fagaare ah oo ku taalla Bartamaha Degmada Jilib oo ay Maamulaan Shabaab.
Mid Ka mid Dad Ku nool Magaalad Jilib oo La Hadlay Gedo Times Ayaaa Shegay inuu Goob joog u ahaa Dilka Ruxaaasi Ka soo Jedo Tanzania
Al-shabaab ayaa Dhowr Jeer Gobolka Jubbada Dhexe ku dilay Dad ay ku Eedeeyen in ay yihiin Basaasiin la shaqeeya Dowladda Soomaaliya iyo Reer galbeedka,balse Dilka Ninkaan u dhashay Wadanka Tanzania ee ay dileen ayaa ah Markii ugu horeysay oo ay Dilaan Qof Ajaanib ah oo aan la shaqeyn Shabaab.
Halkaan Ka Dhageyso
Leave a Reply