Wafdi uu hogaaminayo safiirka Imaaraadka u fadhiyadalka Soomaaliya ayaa manta lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.
Waxaana soo dhoweyn kadib loo galbiyay dhanka iyo madaxtooyada maamulka Jubbaland, halkaasoo uu kula kulmay madaxda Jubbaland iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.
Garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhoweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Darwiish iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Maxamed Warsame Darwiish oo kulankii kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wafdiga Imaaraadkka ka wada hadleen arimaha abaaraha iyo fulinta mashaariicdii horumarineed ee Imaaradku horay ugu balan qaaday Jubbaland.
Leave a Reply