Taliyaha qeybta 21-aad ee Millateriga dowladda federaalka Somalia ayaa maanta kormeeray xarumo ay ku jiraan tiro kamid ah ciidamada qeybta 21-aad ee magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha qeybta 21-aad ee millateriga dowladda Somalia Jeneraal Cabdi Faadaco iyo abaanduulaha 21-aad Cabdullaahi Ciiro ayaa si isku mid ah u kormeeray xarumaha ay ciidanka ka deggan yihiin magaalada Gaalkacyo.
Wuxuu sheegay taliyaha in uu ciidanka kaga hambalyeynaya howlgallo dhowaan ay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobalka Mudug.
Waxa uu u ballan qaaday inay ciidamada heli doonaan mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin.
HALKAN KA DHAGEYSO:
]
Leave a Reply