Wafdi ka socda Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kormeer ku tagay Qaar kamid ah Xeryaha Ciidamada Jubaland ee Duleedka Magaalada Kismaayo.
Wafdiga oo isugu jiray Dowlada iyo xubno matalayay Qaramada Midoobay, ayaa kormeerkoodu wuxuu ahaa u kuurgalidda Xaaladaha Nolaleed ee Ciidamada Jubaland, iyago osoo kormeeray hab nolaleedka qaar kamid ah Xeryaha Ciidamada.
Taliyaha Ciidmada Dawaariwshta ee Jubaland Cabdikarim Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo wafdigani kusoo Wareejiyay Xeryaha qaar kamid ah ciidamada uu taliyaha u yahay ayaa ka waramay qaabka ay cidamadani u noolyihiin isagoo codsaday taageero militiri in loo fidiyo ciidanka.
kormeerayaashii kala matalayay Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalama ama qaramada Midoobay ayaa ciidamadani ku booriyay sii xoojinta Amniga Kismaayo iyo guud ahaan Jubaland.
Leave a Reply