Madasha qaran ee soomaaliya waxa ka soo baxay arimo isku dhafan oo qeyb ka ahaa warmurtiyeedki imaanta sida wadajirka ah loosoo saaray iyadoo aan soo xigan doono qodob aan isleeyahay muhiimad gooniyaad ayuu leeyahay.
Akhriste bal qormadaan si miyarsan u dhuux oo ila wadaag aragtideyda iyadoo aan ka faaloon doono qodob xoosi gooniyaad ii yeeshay dad abdane laga yaabo in ay ila qabaan.
Qodobadaa Xiisaha leh waxa ka mid ah halkii xildhibaan in ay soo wada doortaan odayga dhaqanka + 50 qof oo bulshada ay ka kooban tahay.
Marka waxay noqonaysaa 175×50 =13750
waxayna ka codeynayaan ilaa 6 magaalo sida kismaayo,muqdisho,garowe,baydhaba,cadaado iyo jowhar/buula barde/baladweyne
Aqalka sare waxa u codaynaaya barlamanada maamul goboleed yada hakii kursi waa in ay labo qof u orodaa.
Guud ahaan labada aqal waa 333 xubnood.
Odayada wax soo dooranaaya waa 135.
arinkan wuxuu jahwarer ku riday dadka ama hogaamiyeyaasha lacagta aamisan bal qiyaas in aad lacag ku bixisid marka uu qofka u tartamaayo kursi labada aqal ah ee halkii kursi ay xaq doorasho ku lee yihiin 50 ergo,hadana markii uu soo baxo oo doorashada gudoomiyaasha labada aqal,madaxweynaha iyo raiswasaraha lacag lagaarabo bal kawarama saxaabul lacag xaalkiisa.
Dadka qaar waxay ka hadlayaan in doorka ugu weyn la siiyey hogaamiye yaasha maamul goboleed yada waxaana farta lagu sii fiiqayaa in faaiidada ugu weyn ama sameynta ugu weyn in ay yeelanayaan shariif xasan iyo gas kuwas oo awooda in ay keenaan beelo haldhinac u socda siiba waxa la saadalinayaa in shariif xasan uu keeni doono 61 digil iyo mirifle lagu daray adariska shabeelada hoose dagan iyo 9 xubnood oo aqalka sare ah.
Halka hogamiye yaasha kale beelahooda ay ku kala firirsan yihiin maamul goboleed yada kale,
Tusaale madaxweyne guuleed beshiisa waxay ku fidsan yihiin mamulada galmudug iyo hiiraan/jowhar iyo muqdisha.
Waxa kaloo laga hadlayaa in shariif xasan uu isku dayidoono in.daarood,hawiye ama dir mid kood loo sharaxo gudoonka barlamanka ayadoo taas la isku dayey 2012 kii.
Siibo daaroodka ama hawiyaha.
Waxay u eg taha dhinac in ay faaiido tahay in la kordhiyo dadka wax dooranaaya halka ay dadka qaar ay ka wal wal san yihiin in awoodii shaqsiyad gacanta loo galiyey oo ay sameyn doonaan wixii ay ka sameeyen markii la soo xulaayey barlamanada maamul goboleed yada,oo ay yimaadaan xildhibaano kuwalatigooda ama tayadooda ay liidato.
Ugu dabeyn arinkan waa isku dhaf qabiilkii iyo deegaan,muqdisho ayada aqalka sare matalaad kuma laha ileen aqalka sare badanaa wuxu quseeyaa stateka ama maamul goboleed yada marka uu wadan qaato nooc fadaraal.
Muqdisho waxa lagu soo xulayaa dirta iyo qeybo adariska xamar dagan kamid ah iyo waliba qeybo hawiyaha ka mid ah.
Muqdisha Waa caasimada fariisinka hay’adaha fadaraaliga.
W/Q: ibroos
Leave a Reply