Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamada Maamulkaas ay ka hortagi doonaan falal kasta oo wax u dhimanaya Ammaanka ,Magaaalada Cadaado.
Warkan waxa sheegay Wasiir Maamulkas u qaabilsan Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Cusmaan Maxamed Cali oo jawaab celinayay dagaal maalmo ka hor ka dhacay duleedka Magaalada Cadaado.
Laamanaha amaanka Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay wax ka qabashada fal kasta oo ka hor imaanaya Nabada dadka degaanada Galmudug ku nool
Waxaa loogu baaqay in qofkasta oo ku nool deganadda Galmudug uu ka qaybqato nabadda.
Magaalada Cadaado waxaa lagu arkayaa ciidamo ka tirsan Galmudug oo feejigan kuwaasoo ka digtoon isku dhacyada magaaladaasi ku soo baray waayadii dambe.
Leave a Reply