Wasiir horre , ahna Mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa sheegay inuu yahay Musharax Madaxwayne doorashadda la filayo inay qabsoonto dabayaaqadda sanadkan 2016-ka
Xildhibaan Saciid Cabdullahi Dani ayaa tilmaamay uu yahay musharax doonaya in uu dalkan u hogaamiyo si daacadnimo ah , waxa uuna sheegay ahmiyadiisu ay tahay sidii dalka iyo dalkan uu u helaa nabadgalyo iyo horumar dhaqaale.
Waxa uu tilmaamay in marnaba uusan ku qarash garayn doonin lacag laaluush si uu u noqdo madaxwayne .
Waxaa la su’aalay sida uu noqon doono haddii uu madaxwayne noqdo , waxa uuna sheegay in waxbadan uu uga duwanaan doono sida uu yiri madaxdii la arkay hogaamintooda iyo balanqaadkoodi horre.
Leave a Reply