Ciidamada Ilaalada Kantaroolka Magaalada Boosaaso ayaa ky guulaysteen qabashada dhalooyin ay ka buuxeen waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha Ilaalada Kantaroolka Magaalada Boosaaso Bare Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ciidamada markii ay heleen xogta arintaas ay bilaabeen howlgal ay ku baadi goobayeen ugu danbeyna ay ku guulaysteen.
Taliyaha waxa uu sheegay in gacanta ay ku hayaan ragii waday qamriga isla markaana cadaalada ay wajihi doonaan dadkan gacanta ay ku hayaan.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ka hortagayaan wax kasta oo maandooriye ah.
Sidoo kale meel u dhaxaysa Dangaronyo iyo Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa laga soo sheegayaa in lagu qabtay mandooriye halkaasi baabuur lagu siday.
Leave a Reply