Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Federaalka ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ka codsatay Maamulka Gobolka Banaadir in la furo wadooyinka Xaruumaha Caafimaad.
Arintan ayaa Wasaarada waxa ay ku sheegtay in looga baaqsan karo in Dadka Soomaaliyeed ay waxyeelo soo gaarto, iyaga oo raadinaya wado ay u marayaan xarumaha Caafimaad oo meelaha qaar ay xiran yihiin
Hadalkan waxa Maanta oo arbaca ah saxaafada u sheegay Wasir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Cismaan Maxamed Daallo oo xusay in ay jiraan wadooyin xiran oo tagta goobaha Caafimaad ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa jira wadooyin kamid ah kuwa magaalada Muqdisho oo u xiran ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Waddooyinkaasi waxaa ku jira kuwa loo maro isbitaallada ugu waa weyn ee magaalada Muqdisho.
Leave a Reply