Dad tiradooda ayaa la helin ayaa lagu soo warramayaa inuu soo ritay halka kuwa kalena ay la ildaran yihiin xanuunkaasi oo lagu arkay Saakow.
Ma jirto xarun caafimaad oo kaafin karta dadka ku nool Saakow kuwaasoo hadda uu soo ridanayo xanuunka Shuban biyoodka.
Degmada Saakow waxay ku taalaa Dhanka Koonfureed ee dalka Soomaaliya waxayna ku taal dhanka bari ee Webiga Jubba, waxaana wararka ay sheegayaan in biyo wasaqeysan ay sabab yihiin in cudurkani uu dillaaco.
Warar laga helayo gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in degmooyin kale oo gobalkaasi ka tirsan lagu arkay xanuunkani sida Jilib.
Guddoomiyaha degmada Saakow ee ugu magacaaban dowladda federalka Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay in xaalado adag ay ka jiraan degmadaasi, wuxuuna kaloo sheegay in ay codsanayaan kaalmo beni’aadanimo lala gaaro dadka ku dhaqan degmada Saakow
Leave a Reply