Waxay ahayd xilli casir liiq ah, boorsadii iyo sahaydii safarka loogu talagalay ma wato. Waa ka mamnuuc safarrada caynkaan oo kale ah in loo sahay qaato, dhawr caag oo biyo ah iyo xirmooyin rooti qallalan ah ayaan u jeeday, oo ninka qabanqaabiyaha safarka ah uu sii saarayay gaariga aan raaci doonno.
Waa gaari loogu talagalay in uu qaado tobban qof, balse waxaan ku raacaynaa afartan qof, oo isku jirta dhallinyaro, ilmo, hooyooyin, iyo waayello, waxaan ka soo dhaqaajinnay Khartum, magaala madaxa Suudaan, innaga oo soo aadnay xaggaa iyo dhulkii lama dagaanka ahay (Saxaaraha) ee u dhexeeyay Suudaan iyo Liibiya.
Cirka iyo dhulka oo kaliyah ayaan u jeednaa, wax kale nooma muuqdaan, geed, aqal, noole, ma noole, waxaas oo dhan isheennu ma qabanayso
Kadib socdaal nagu qaatay habeen iyo maalin, waxaan dareennay baahi iyo harraad, umana sheegi karno darawalka iyo kalkaaliyaashiisa, haddaan afka kala qaadno waa garaac iyo jir-dil, qaarkeen neeftii ayaa ku dhegatay, ciriiriga jira awgiis, qaarna naf aan wali bixin ayaa ku dambaysa.
Labbo maalin kadib waxaa naga dhintay qof waayeel ahaay, waana la tuuray maydkii innaga oo u jeedna, habluhu waxay la kulmaayeen kufsi, iyo isku dhiidhiib aan isha ka daawanaynay. Qofna kuma uusan dhiirra karin ka hadlidda xad-gudubkaas, Biyihii iyo rootigii yaraay waa sii gabaabsi, cid la miciin-bido malahan, aan Ilaahay ka ahayn xilligaas, qaarkeen waa miir daboolmeen harraad awgiis.
Saddax maalin kadib biyihii waa dhammaadeen, baabuurkiina waa jabay, qof kastana dhinac ayuu u dhacay, baabuurkiina waa laga daatay, tab iyo tabari ma jirto, qof waliba wuxuu fiirinayaa cirka, isaga oo la koodaya Eebbehiisa, labbo ilmihii yaraay ka mid ah naftii ayaa deysay, kadib markii aan biyo uga dhignay kaadidii jirkeenna ka soo baxaysay, ilaa markii dambana xaalku gaaray in qof kasta waxii jirkiisa ka soo baxa naftiisa uu ku qabto.
Darawalkii iyo caawiyaashiisii ayaa waxay u qayla dhaansadeen xaggaa iyo Liibiya, waxaa inoo yimid afar maalin oo baahi iyo saxariir ah kadib, labbo baabuur oo Liibiya laga leeyahay. Rajo ayaa na soo gashay, biyo ayeey ina siiyeen, balse qaarkeen waaba tabar dhigay, oo far ma nuuxin karin.
Qolyihii Liibiyaanku waxay naga codsadeen lacag aan caqliga galayn , si na loo geeyo Liibiya. Waxaan dareemay in aan qaybtii labaad ee saxariirtii socdaalkayga aan lugta la galay.
Qofkii lacagta ey codsadeen haysta waxaa loo sii gudbinaayay xaggaa iyo Liibiya, anigu Tumi iyo taano ma haysan, waxaan la kulmay wax kasta oo aad uga quusanayso macnaha dhabta ah ee ay leedahay bini’aadnimadu iyo addoonsi toos ah. Muddo sagaashan maalmood ah markii nagula sameeyay wax kasta sida; garaac, kufsi, shaqo qasab ah, ayaa waxaa sida xoolihii nagula soo daadiyay daafaha magaallada “Kufra”.
Meel aan u soconno ma naqaan, naf dhici weysay ayaa nagu jirta, waxaan biyo iyo wax afka la gashto weydiisannay muwaadin Suudaani ah, kaas oo inoo soo gurmaday, waxuu na siiyay biyo ey xididdadii qallalay ku qoyeen, calooshii marneedna ku diirsatay, waxaa jiray waxa aan maskaxdeyda ka go’eyn mar kasta, oo i saameeyay nafsad ahaan, waa ilmihii iyo wayeelkii hortayda ku ruux baxay.
Meesha aan joogno waa magaallada laga soo galo Liibiya, taas oo ka dhiga in socdaalkaygu fari ka qodnayn, qof kasta oo aad warbixin weydiisato wuxuu kaa rabaa laaluush iyo in aad la gasho hishiis, waa meel dadku bahaloobay.
Kii nin ahaay waxuu ku caqli iyo talo noqday shahwaddiisii, oo gabdhihii aadka u liitay ayeey ugaarsi kula dhaqaaqeen, iyaga oo uga faa’iidaysanaya xaaladdaas adag, kuna beer-laxawsanaya in ey geyn doonaan ilaa iyo magaala madaxda Liibiya Tripoli.
Anigu ciddii ma wici karo, oo shalay taladooda kuma soo bixin, xanuun iyo nafaqo-darri-na waa i haysaa, qof shilin dhexda ka duleella i siinaya ma jiro, waa marka aan ku shallaayay “Alla haddaad naag ahaan lahayd”, waxaan filaa in qof kasta uu fahmi karo waxaan ula jeeddo hadalkaas.
Aniga oo meel aan miciin bido haysan ayaan waxaan helay shaqo ah “Qowsaarnimo” si aan u helo wax shilimaad ah, oo aan ku sii wato safarkayga, aniga oo og in ey i sugayso baddii liqday rag baddan oo saxiibbadeey ahaay.
Ma aqaan waxa i soo waday, waxaan aaminay in aan fiyoobeyn, meel aan ka laabtana joogin, waxaan ku qasbanaaday in aan is furdaamiyo, labbada dhinac-na mid uun ku hagaaggo, “Nolal ama Geeri”.
Lix bilobo ayaan noqday qawsaar, balse musiibo waxay dhacday markii gunnadii aan ku shaqaynaayay uu ninkii ii diiday, iiguna yeeray Boolis, si xabsi la iigu dhaadhiciyo. Xeer iyo anshax iga celinaya ninkaas ma jiro, aniguna meel loo maro ma aqaan haddii uu jirana, Waxaa la ii dhaadhiciyay xabsi ey ku jiraan ugu yaraan shan boqol oo qof, oo Soomaali u badan.
W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane
Leave a Reply