Waxaa Magaaladda Baardheere ee Gobolka Gedo Maanta Xaflad qado sharaf ah ku sameeyey Maxamed Nuur Sh.Axmed Maxamed, taasi oo uu kaga dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xubinnimada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. .
Xafladani oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb galey Odoyaasha dhaqanka,Aqoonyahanada,
Nabadoonadii iyo Waxgaradkii Beesha ee taageerada iyo Kalsoonida u muujiyey Musharaxa Xildibaanka Cusub ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Faarax Hire Guhaad,Nabadoon Maxamed Gaaciye Shide,Nabadoon Xuseen Cali Biixi,Nabadoon Cali Ganey,Nabadoon Maxamuud Faarax xirsi Good,Farey Jaamac Jaad,Ibraain Faarax Afdheere,Diiriye Aw-Xaashi iyo xubno kale ,kuwaasi oo dhamaantood si buuxda u cadeeyey taageerada ay u hayaan Musharaxnimada Maxamed Nuur Sh.Axmed.
Musharaxa Xildhibaanimo Maxamed Nuur Sh.Axmed oo Qadka Telefonka ugu qeyb qaatey Xaflada ayaa waxaa uu balan qaaday in hadii loo doorto Xubintaas uu ka shaqaynayo hormarinta bulshada reer Baardheere ee uu matalayo, waxaana uu soojeediyey khudbad uu ajandihiisa uga hadalyey oo wakhti qaadatay.
Waxaa uu balanqaaday in uu ku shaqayndoono rabitaanka bulshada kana warhayndoono baahida Bulsha uu matalayo,isagoo iminka ku sugan Magaalada London ayuu sheegay dhowaana in Isbitaalka Baardheere uu soo gaarsiin doono Deeq Daawo ah oo uu ka soo uruuriyey Jaaliyada Soomaalida ee ka soo jeeda Gobolka Gedo.
Xaga Taariikh nololeedkiisa,maxamed waxaa uu ku dhashey Baardheere sanadkii 1969kii,waxbarashadiisaH/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku dhameystey Baardheere intii u dhaxeysay 1976 ilaa 1986,waxuuna 1988 ilaa 1990,waxuu ka mid ahaa Ardeydii Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed,burburkii dowladiii dhexe ee Soomaaliya waxaa uu deganaa dalka Kanada,waxaana 2008 jaamacad ku taala dalka Ingiriiska uu ka qaatey Shahaado,isagoo barteyna xariirka Caalamiga .
Musharax xildhibaanimadda Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee ka soo jeedo Gobolka Gedo ku dhawaaqo in uu xilkaas doonayo bulshada uu cod uga baahan yahay.
Halkaan Ka Daawo Sawirada
Leave a Reply