Saraakiisha Dowlada Federaalka Soomaalia ayaa sheegay in Degaano badan oo ka tirsan Gobolkaas ay ka socdaan, howlgalo ay ku doonayaan sugidda Ammaanka.
Waxa ay sheegayaan Saraakiishan in Howlgaladan si isku mid ah ay uga soconayaa Baladxaawo, Garbahaarey, Doolow iyo Ceelwaaq.
Saraakiisha ku sugan Garbahaarey mid kamid ah oo lagu magacaabo Col. Khaliif Xiireey ayaa mar uu la hadlay Gedotimes wuxuu sheegay in howlgalladani lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka, isla markaana lagu qabto deegaannada weli ka maqan gacanta dowladda iyo AMISOM.
Saraakiil ku sugan Degmada Baardheere ayaa sheegay in sidoo kale Degmadaas ay ka socdaan howlgaladan
Halkan ka dhagayso:
Leave a Reply