Xildhibaan ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ku baaqday in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalada qabaa’ilka ku salaysan ee ka taagan degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Xildhibaan Canab Maxamed Osoble oo ka mid ah Barlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in baaritaan ku samayn doonaan dhinacyada ku lugta leh dagaalada gobolkaas ka socda.
Canab waxa ay hoosta ka xariiqday in ka Maamul ahaan ay ka xun yihiin dagaalada dadka badan ku dhimanaya ee ka jira degaanada Gobolka galgaduud
Haweenka gobalka Mudug ayaa dowladda Itoobiya ku eedeeyay inay tacadiyo u geysatay qoysas u badan reer guuraa oo ku nool deegaanno ku yaalla xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen haweenkani ayaa waxay ku sheegeen in ay cambaareynayaan tacadiyada ciidanka federaalka Itoobiya ka wadaan xuduudda Galgaduud iyo IToobiya.
Waxay sheegeen in dad u badan maato ay halkaasi ku xasuuqeen iyagoo ku soo weeraray baabuurta dagaalka, waxayna ku baaqeen in haweenka gobalka Mudug in arrimahaasi wax laga qabto
Leave a Reply