Munaasibaddan oo ka dhacday hotel Agan ee magaalada Kismaayo ayaa ahayd mid Hay’addaha Safe World iyo Soosheensi ay kusoo bandhigayeen waxqabadka dowladda Jubaland mudadii ay dhisnayd, iyagoo halkaas kusoo bandhigay muuqaallo muujinayay waxqabadka dowladda ee dhinacyada adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Munaasabada waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Jubaland oo ay kamid yihiin gudoomiye kuxigeenka degmada Kismaayo Cabdi Bare iyo agaasimaha arimaha bulshada ee gobolka Jubada hoose Jaamac Ugaas, aqoonyahano, ururuarada hawenka, wakiilada hayadaha Save world iyo sooshensi,xubno kasocday rugta ganacsiga warshadaha ee Jubba land iyo marti sharaf kale.
Ugu horeen waxaa munaasabada kahadlay wakiilka hay’adda Safe World John Kroj asagoo halkaasi ka sheegay natiijada cilmi baarista ay sameeyeen mudadii ay dhisnayd dowladda Jubaland, waxa uuna xusay in wax badan laga qabtay deegaanada Jubaland ee xorta ah, isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo dib u dhiska adeegyada bulshada.
Leave a Reply