Maamulka Gobolka Shabeelaha DHexe ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan Maamulkaas ka tirsan ay u direen Degaanka Ruun-Nirgood ee Shabeelaha DHexe halkaas oo dagaal uu ku dhaxmaray dagaalyanada Al Shabaab iyo Dowlada Federaalka Soomaalia.
Afhayeenka Maamulka Gobolkaas Da’uud Xaaji ayaa sheegay in xaalada degaanka dagaalka uu ka dhacay ay tahay mid wanaagsan oo ay ku sugan yihiin sida uu hadalka u yiri Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM,
Xogta laga hayo Xaalada deegaanka waa mid yar maadama goob colaadeed tahay,waxaana Al Shabaab ay dhinac ka joogaan baa la yiri Runirgood iyadoo ciidanka Dawlada ay iyaguna qeybta kale kusugan yihiin.
Leave a Reply