Taliska saldhigga degmada Shibis ee gobalka Banaadir ayaa sheegay inay ku raad joogaan rag burcad ah oo habeenkii dadka ka qaata Mobile-lada iyo agabyada kale oo ay wataan.
Taliyaha degmada Shibis Maxamed Cabdiqaadir Warsame wuxuu sheegay in maanta degmada Shibis uu ka dhacay shir la qaateen bulshada qeybaheeda kala duwan.
Shirkani oo looga hadlayay ammaanka ayuu sheegay in bulshada iyo taliska booliska ee degmada Shibis ay isku afgarteen in laga wada shaqeeyo nabadgalyada degmadaasi.
Wuxuu sheegay in ay ku raad joogaan rag habeenkii dadka ka qaata mobile-lada isla markaana ku dhaca xaafado kamid ah degmada Shibis, kuwaasoo qeyb kamid ah iminka ay u gudbiyeen xabsiga dhexe
Leave a Reply