Madaxweynaha maamulka Puntland oo booqday dhaawaca wasiirka amniga ee maamulkiisa oo lagu dabiibayo Isbitaal caafimaad oo ku yaalla dalka Jabuuti.
Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta 09-May-2016 cusbitalka Cumar Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga maamulkaasi Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo cusbitalkaasi.
Wasiirka amniga ayaa ku dhaawacmay shaqaaqo dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Boosaaso kadib markii ay ismaandhaafeen ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland
Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno ka mid ah waftigii uu Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Agaasimaha Cusbitalka ayaa hoggaamiye Cabdiweli Gaas uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo isla markaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso balse maalmo kooban lagu sii baxnaanin doono cusbitalkaasi.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku muddo kooban ku jirey cusbitalkaasi.
Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la sheegayay in dhaawiciisa uu culus yahay ayaa qorshaha uu yahay in maalmaha soo socda lagu sii dabiibo dalka Jabuuti.
—DHAMMAAD—
Leave a Reply