Ganacsatada seyladda xoolaha magaalada Laascaanood ayaa sameeyay shaqo joojin kadib sicirka sarifka oo sare uga kacay qiimihii hore halkaa.
Suuqyada Xoolaha lagu iibiyo ee Laascaanood ee gobalka Sool ayaa ganacsatadii kahowlgali jirtey waxay sameyeen shaqo joojin maalintii labaad kadib markii Haweenka danyarta ay shegeen in ganacsatada Bakhaarada leh diideen lacagta 500 boqol ee shilin Soomaaliga.
Haweenka iyo ganacsatada kale ee ka shaqeysta suuqa Xoolaha Laascaano ayaa ugu baaqay Culumaa’udiinka iyo shacabka intiisa kale in ay arintaas ka hadlaan isla markaas xal loo raadiyo.
Qaar kamida ganacsatada shaqada joojiyey ayaa Bakhaarleyda Laascaanood ku eedeynayaan in ay u muuqato iney ku shaqeeyaan kaliya lacagta doolarka mareykanka sidaa darteedna aysan doonaynin iibsiga lacagta Shillinka Soomaaliga.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ganacsatada waa weyn oo arrintani lagu dhaliilayo iyo maamulka magaaladaasi oo ku aadan jahwareerka dhinaca sicirka ee halkaa laga soo sheegayo
Leave a Reply