Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lala eegtay baabuur ay saarnaayeen ciidanka booliska dowladda federaalka oo marayay duleedka Muqdisho
Wararka laga helayo degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in qarax miino lagu la eegtay baabuur ay saarnaayeen ciidanka Booliska dowladda federaalka.
laba ka tirsan ciidamada booliiska ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax uu haleelay baabuur ay la socdeen.
Baaburka Qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay inay lahaayen ciidamada booliiska ee Lafoole fadhigoodu yahay ayna kusoo jeedeen dhinaca magaalada Muqdishu.
Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa inay kusoo jeedeen dhanka magaalada Muqdishu ka hor intii aanu qaraxu qabsanin, waxaana la sheegay in qaraxu uu sidoo kale burbur koobaan u gaystay baabuurka ciidanka Booliska dowladda federaalka.
Leave a Reply