Munaasabadan oo aheyd mid kooban isla mar ahaantaana qalab ciidan loogu wareejinayey Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu qabtay safaaradda Talyaaniga ay ku leedahay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeeb galay taliyaha ciidanka booliska Soomaliya Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo sarakiil kale
Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Fabrisio Marrcelli oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mar walba ay garab taaganyihiin Soomaaliya isla mar ahaantaana uu ka dhaxeeyo xiriir adag oo soo jireen ah gacana ay ka geesanayaan tayeenta ciidanka booliska
“Waxaan sharaf weyn inoo ah in Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya gaar ahaa taliyaha ciidanka Booliska S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud aan ku wareejino saanad ciidan aan ugu tala galnay ciidanka booliska Soomaaliya, waxaa halkaan ka muuqata xiriirikii Soomaaliya iyo Talyaaniga uu markale soo laabanayo Talyaniga waxa ay ka mid tahay dowladaha si gaar ah u taagera ciidamada qalabka sida’’ayuu yiri Safiirka.
Ugu danbeena Taliyaha ciidanka booliska Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo isna ka halay goobta ayaa doowlada Talyaaniga uga mahad celiyay qalabka ciidan ay dowlada Talyaaniga ku wareejisay taliska ciidanka booliska Soomaliya
“Waxaan farxad gaar ah aan u jeedinayaa dowlada Talyaniga oo ka sheqeyneysa horumarka iyo tababarada ciidanka booliska Soomaaliya, Dowlada Talyaniga waxa ay dhawaan dalkeeda u qaaday 25 Saraakiil oo soo qadanaya kulan aqoon kororsi ah”ayuu taliyaha hadalkiisa ku soo xiray.
taliska
Leave a Reply