Wasaaradda amniga Dowladda federaalka ayaa sheegtay in shaqo ka fariisin lagu sameeyay saraakiil ka soo muuqatay muuqaal lagu jirdilayo nin la sheegay inuu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada.
Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikaamil Macallin Yuusuf ayaa sheegay in arrintaasi loo xil saaray guddi soo baara oo keena xaqiiqada muuqaalkaasi.
Afhayeenka oo sheegay in muuqaalkani saraakiil ka tirsan taliska nabad sugidda ay ka soo muuqdeen kuwaasoo isbedal ay ku sameysay NISA isla markaana baaris ay ku socoto.
Guddigani ayaa ka kooban wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, tan amniga iyo xubno kale oo ka socda hay’ado u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha
Halkan ka dhagayso:
Leave a Reply