Tan iyo horaantii bishii shanaad ee sanadkan waxaa Isbitaalka Magaalada Baardheere ka socnayey howl balaaran oo dib u dhis iyo balaarin loogu sameynayo dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka oo dayacnaa mudo ka badan ilaa 20 sanno,islamarkaana aanan helin wax dayactir ah ilaa ay ka bur burtey Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Kharashka ku bixi doona Dhismaha Isbitaalkan oo la doonayo in si casri ah loo dhiso,islamarkaana loo dhamaystiri doono dhamaan waxii Qalab ahaa ee lagu shaqeyn lahaa ayaa ah Deeq lacageed oo ka timid Ururka Iskaashiga Islaamka,waxaana howsha dhismaha fulinaya Company lagu magacaabo Jubba management and business Consultant oo fadhigiisu uu yahay Gobolka Gedo.
Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ka mid ah H/wadeenada Company lagu magacaabo Jubba management and business Consultant ayaa warbaahinta u sheegay Isbitaalkan oo ahmiyad gaar ah u leh Bulshada Baardheere in muddo 5 bilood gudahooda ah ay ku dhameyn doonaan dhismahiisa.isagoo sheegayna maalin iyo habeenba in dhismahiisu ay si xowli ah u socoto.
Isbitaalka oo dhismahiisa laga soo bilaabay aas aas ayuu sheegay in uu ka koobnaan doono,qeybta Caruurta,Qeybta dumarka,Qeybta raga,qeybta sheybarada,Qeybta OTPga,Qeybta Sheybaarada iyo Maqaasiinka,Qeybta qaliinada,Qeybta Cafeteriada,Musqulo iyo qeybo kale oo bulshada muhiim u ah.
Isbitaalkan Baardheere oo la dhisey Xilligii gumaystahii Talyaaniga ee 1948 dii ilaa xilligii Dowladdii dhexe ee soomaaliya ayaa waxaa adeegyo Caafimaad u soo doonan jirey maalinkastaaba Boqolaal ruux,balse Isbitaalka ayaa sanadahii u dambeeyey waxaa uu Qarka u saarnaa inuu u bur buro dayacnaan xoogan
Dib u dhiskan iyo balaarintan hadda ka socota Isbitaalka Baardheere ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweynaha ,waxayna dhinaca kalena wax ka tari doontaa in Dadweynaha Baardheere mar kale ay helaan Xarun ay u doontaan adeegyada Caafimaad ee ay u baahan yahiin.
Halkaan ka Daawo Sawirada.
Leave a Reply