Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee Marxuum Xildhibaan Burci Maxamed Xamza oo dhowaan ku shahiiday weerarkii waxashnimada ahaa ee argagixisada ku qaadeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa salaadda jannaasada kaddib mid mid u gacan qaadey ehelada iyo qoyska marxuumka, isagoo mar kale uga tacsiyeeyay geerida ku timid Marxuum Burci oo sidoo kale ahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha deegaanka.
Leave a Reply