Tababarkani oo galey maalintii labaad ayaa waxaa uu ka soconayaa Xarunta Maamulka degmada Baardheere,waxaana ka qeyb galaya Ergooyin gaaraya ilaa 20 xubnood ,kuwaasi oo ka kala socda Maamulka degmada,Odoyaasha dhaqanka,Ganacsatada,Culamaudiinka,Dhalinya iyo Ururka Haweenka degmada.
Tababarkani oo ay soo qaban qaabisey Maamulka Degmada Bardheere ayaa Qodobada Mudada 3 maalin ah ee looga doodi doona waxaa kamid ah Mashaariic balaaran oo la doonayo in laga hergeliyo degmada Baardheere iyo sidii Bulshada degmada ay u hanan lahayd Mashaariicdaasi oo isugu jira dib u dhiska iyo horomarinta deegaanka.
Mashaariicda horey laysula meel dhigey ,islamarkaana la doonayo dhowaan in degmada laga hergeliyo ayaa waxaa ka mid ah,Hergelinta Nalalka ku shaqeeya Cadceeda oo gaaraya ilaa 100 xabo,dhismaha Xarunta Maamulka degmada,dhismaha xarunta wacyi gelinta,Dhismaha Garoonka kubada cagta ee Baardheere,moosida biyo mareenada fatahaadaha iyo xarunta Wacyi gelinta Bulshada.
Qureesho Aaden waxay ka mid tahay Ururka Haweenka degmada Bardheere waxayna soo dhaweysay mashaariicda dhowaan laga hergelin doono degmada Baardheere,waxayna sheegtay dadka deegaanka in ay baahi weyn u qabaan howlaha noocani oo kale ah.
Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay Mashaariicdani in ay ahmiyad balaaran u leeyihiin bulshada ku dhaqan Magaalada Baardheere,waxuuna sheegay bilaha soo socda in laga hergelin doono degmada.
Daawo Sawirada
Halkan Ka Dhageyso
Leave a Reply