War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa deeq lacag ah loogu deeqay dowladda Soomaaliya.
Lacagtaan oo lagu qiyaasay 2 million oo dollar-ka Mareykanka ah ayaa Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in loogu talagay in lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.
Lacagtaan ayaa la sheegay in qeybta hore lagu maalgelin doono gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose ,iyo sidoo kale gobolka kale oo aysan shaacin Magaciisa.
Leave a Reply