Kaalintii oday dhaqameedka Soomaaliya iyo dhibaatada maanta haysata ayaga iyo dadkood.!
Odayaasha dhaqanka Soomaalida waxay door muhiima ku lahaayeen taariikhda dalka iyo dadka sida arimaha nabadgelyada ,bulshada iyo siyaasada.
Arimaas waxaan marqaati uga dhigi karnaa oo ka turjumaya arimaha ho ose oo taariikhda dalkaan ay ku lahaayeen
-Odayaasha beelo Soomaaliyeed ee reer guuraa ahaa u ahaa hogaamiyayaal markii gumestihii caddaa dalka soo galay waxay ahaayeen kuwii hortagay oo sababta ay u socdaan iyo waxa gaaladaan caddaanka ah wadankaan keenay dareenka ka qaaday dood iyo wadal ka dib oo ay muujiyeen in aysan gumeysi ogalayn,waa tii ay heshiis lagaleen gaaladii gumestayaashu soo dirsadeen ,in kasta oo laga cilmi dhaqaale iyo ilbaxnimo intaba laga sareeyey,dawladii reer Yurub oo kala duwanaa oo meela kala gedisan dalka Sooomaaliya waxay lagaleen heshiis isku mid ah,oo ay ugu muhiimsanaayeen saddex qodob.
-In la wadayeesho xiriir ganacsi oo dhex mara cadaankii yimid dadka deegaanka.
-dhinaca nabadgelyada oo ay kala shaqayn doonaan.
-In ay markii ay ka kaaftooma oo ayaga arimahooda maamulan karaan ay ka tegayaan.
Waxaa xusid mudan in heshiisyadaas iyo kuwa kale e muujinaayey in aysan gumesi ogalayn markii la kala saxiixanayey ,qaarkood diideen in warqad lagu kala saxiixdo oo bedelkeedii ay keensadeen saan ama maqaar xoolaad oo laga soo shaqeeyey in wax lagu qorikaro kuna yiri warqadu dhaqso bay u duugoowdaa ama biyo baa qoyn kara waana baaba,aysaa ,waxayna suragalisay in ay ka mid noqdaan wixii lala hor yimid in cadaankii iska tagaan,waxaana noqotay wax aan laga murmi Karin oo siyaasiyiintii gobanima doonka dacwadahoodii saldhig uga dhiteen.
Markii dalkaan xoroobey waxay ahaayeen kuwa arimaha nabadgelyada iyo xasiloonida qaybta ugu wayn ayyaga qaban jiray,waxay la haayeen xiriir dhaqan oo ka dhexeeyey oo wixii gobol kuwa jooga ku adkaada kuwa kale gurmad weydiisan jireen si loo helo dhinac saddexaad oo dhexdhexaad ka ah waxa laysku hayo,xal waara baana la gaari jirey.1991kii sidii wax kasta u burbureen oo loo bililaqastay baa dhaqankii loo bililaqaysatay,gaar ahaan kalintii odaydhaqameedyada.Markii hore Dagaal oogayaashii dalka qaybsaday,oo bilaabay haddii ay soomaalinimo xishood iyoAlle kacabsi sidii oday dhaqamed lagu arki jiray lagu arko ay dilaan ama cabsi galiyaan oo mid mooryaan ah madaxa cimaad ugu duubaan dadkana lagu khasbo in asagu yahay odaydhaqamed mooryaamayntana loo adeegsado.
Markii la yiri dawladnimadii dib ha loo yagleelo oo nidaam saxa oo shaqeeya ha la helo wax walba gunta ayey ka soo biloowdaaan ,ugu horayn waxaa loo baahynaa ummadi daqanka in la saxo,yaandarada jirta weli nidaamka aan ku soconaa waa kii hogaamiye kooxeedyada iyo mooryaameenta,oo noqotay tab la helay hoggaanka dalku haday danahiisa ka waayo oday dhaqameedka in uu mooryaan soo qabsado kuna badelo kii hore oo daacada ku shaqayn lahaa.
Haddaba odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed way is yaqaanaan haday hawlgalayaan oo mooryaan odaydhaqameedkiisa la xaqiray lagu soo bedelay ka aamusaan oo ogolaadaan,beri ayyagana waa ku dhacaysaa ee ha ogaadeen(ninkii khayrki loo xiirayoo soo qoyso adiguna)
Sidoo kale beelaha Soomaaliyeed ee ogolaada ayaga markooda way sugeysaa.Haddaba odydhaqameedyada iyo beelaha soomaaliyeeed waa in ay diidaan in odaydhaqameedyada la rimaygacmeediyo ama la maqaarsaaro.Waxaa xusud mudan sida aan gobolada qaarkood la socono odayaasha iyo ugaasyada diiday in ay wax xaaraana maamulaan kuna adkaysanaya waa kuwo mudan amaan bulshaduna xurmo bay iyo u haysaa iyo shacbiga Soomaliyeed guud ahaan.ugu danbaytii aan ku soo gabagabeeyo maanta wax laq waxaa ka wanaahsan taariikhda haraysaa waxa kuu qormaysa(laxkasta shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa)fadlan hal odayqameed u gubi qoraalkaan haddaad akhrisid.W/AQ Abdullaahi jimcaale faarax.
Leave a Reply