Damaca Itoobiya iyo taariikhda Soomaalida By C/laahi Jimcaale

jim

Waxay ahayd 1884 markii gumeystihii reer Yurub qaybsanayeen Qaarada Afrika in dawlada Itoobiya borkeedii Mililik uu ka qaybgalay uuna ku dacwooday Geeska Afrika qayba ka mid ah oo ay ugu horeysay dhammaan dhulka Soomaliada in ay ka mid yihiin dhulwenaha Itoobiya,in kasta oo damacii dawladaha reer Yurub kalahaayeen Soomaaliya Istaraajiyad ahaan iyo dhaqaala ahaanaba dalabkiisa ka xoog badatay,oo arintu u dhacday in Soomaaliya ay kala qaybsadaan Ingiriiska,Talyaaniga iyo Faransiiska ,damacii BOQOR mILILIgii Itoobiyana ku hungoobay,oo badii damacu uga jirtay qolaba meel shafka dhigatay.
Mar kale Boqor xayle Xayle Salaasihii Itoobiya ee afganbiga xukunka uga qaatay boqor Milik ayaa u ololeyey in Soomaaliya asaga loo dhiibo 1940 yadii,lakiin arinta waxaa baajiyey kana dagaalamay xisbigii SYL ee aasaasmay 1943kii,ayada oo dawlada Itoobiya damaceedii Soomaliya ku hungoowday.
Mingeste Xatle Maryam ee Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977kii Gaboon ka yiri shirkkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka falaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa,Arinkaas waxaa aad uga carooday Jaalle Maxamed Siyaad Barre,kana soo dhoofay shirkii oo socda,intii uu hawada ku soo jirayna isku soo bax arntaas ku saabsan baa Xamar laga abaabulay ayyada oo Dhammaan dadka Soomaaliyeed ka xumaaday hadalka Mingeste Xayle Maryan,waxaana shacbigii ku noolaa Moqdishow iskugu yimaadeen Beerta Daraaraawiishta,Jaalle Maxamed Siyaad Barre asaga oo aan kaba iska bixin buu yimid Beerta Daraawiishta oo aad isleedahay ummaddii Xamar ku noolayd qof kama maqna,wuxuuna yiri asaga oo wajigiisa ka muuqatay caro xoog,waan gartay waxa isku kiin keenay waa hadalkii ka soo yeeray Mingeste,laakiin waxaan idiin sheegayaa laga bilaabo saacadaan hadal badan Mingeste baan u daynaynaa annaguna hawl badan baan qabanaynaa,sidaasna waxaa ku bilowday dagaalkii 1977ki(Waarso iyo Naato baa bgagixiyey ee Galbeed waa la xoreeyey).kuwo aragti gaaban oo aan oran karo waxay u kala qaybsamaan xaasadiin ,cadaw u adeegayaal iyo wax ma garato ayaa cabaareeya dagaalkii 1977kii qof nacayb darted,taariikhda faca weyn ee intaan ka sii fog ilaa Axmed Gurey dhammaan in ay cambaareeyeen sow ma oga?Mar wax laga weydiyey marxuum Cabdirisaaq Xaaji Husseen (ayuu yir , haah waa ku saxsanaa Maxamed Siyaad Dagaalkaas oo wada kale uma furnayn wuxuuna daba socday taariikh tixana ahayd, kaligiisa dagalka ma galina waxaa galay shacbiga Soomaalida ah oo wada rabay).
Taas soo dhaaf Mila Sinaawi oo jabhad hubaysan xukunka uga tuuray Mingeste oo dhimashadiisii waqti aan saas ka fagayn joogay Mareykanka ayaa qudbad ku akhriyey Soomaaliya mar ay noqotaba waxay ka mid noqon dontaa Itoobiyahaddaba xaaladu meesha ay hadda marayso see idin la tahay haddii Haddii aan soo ururiyo waxa qormadaan igu kalifay aan soo gabagabeyee maanta taariikhda Soomaalida oo xambaarsanayd halgan aad iyo aad u deeraa oo ay u geeriyoodeen kumaan kun wadaniyiin ahaa mirihii dhiigooda aan inta nool iyo in dhimatayba guranay jiilka maanta nool xagee wax u wadaan?
Waa su,aal kale ee taagane nimanka fadhiya FIILO Soomaaliya ma ku dhacaan in ay yiraahdaan waxaan ilaalinaynaa halgankii Soomaaliweyn ayaga oo shirkad la,ah cadawgii laga ilaalinayey intaas?Ma u baahana in aan maanta taageerno nin geesiya oo yiraahda Soomaaliyi hadaan bay ku socotaa aniga ayaana badbaadinaya?Odayaasha dhaqanka Soomaalida iyo shacbka ayaa looga fadhiya ayyaga oo faraqa haysta in ay keenaan wax badali kara sida hadda wax yihiin oo badbaadin kara karaamada Soomaaliweyn ee haadanta ku socota.mana dhacayso ilaa aan ka gudubno kala qaybsanaanta,waayo markii horaba waxaa lagu waday midnimada Soomaliweyn.W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax.ex.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.