
Wasiirka gaashandhigga ee xukuumada faderaalka Soomaaliya janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo wahliyah taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa safiirka dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya kale wareegay deeq isku jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab, si ay u xoojiyaan howlagalada dalka lagu sifeynayo maleyshiyaadka Al-shabab.
Danjiraha dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo la hadley warbaahinta qaranka ayaa sheegay In dowlada Masar ay garab tagaan tahay Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya.
Leave a Reply