Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha u fadhiya Addis Ababa xallinta mashaakillaadka ka jira waddanka Suudaanta Koonfureed kaddib markii madaxda IGAD ay isugu yimaadeen kulan deg deg ah. Ajendaha ugu weyn ee shirka ayaa ah in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda ka dhallatay siyaasadda ee ka taagan Suutaanta Koofureed, iyadoo shirku ay joogaan wakiillo ka socda dhinacyada is haya, sidoo kale madaxda IGAD, ayaa ka hadlaya ammaanka gobolka.
Leave a Reply