
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u magacaabay Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda, S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015. Waxaa ka hor uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore.
Leave a Reply