Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay badeecado dhacay oo u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, taasoo la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dekedda Muqdisho,ayaa sheegay inay badeecadan oo isugu jirtay Nacnac,iyo Dawooyin waqtigii isticmaalka dhaafay, ay xabsiga u taxaabeen raggii watay.
Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo wershedaha dowladda federaalka Soomaaliya, Eng;C/rashiid Maxamed Axmed oo halkaasi saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in ganacsatada qaar ay mar mar dalka soo geliyaan badeecoyin dhacday,wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay fal dambiyeed laga galay bulshada.
Leave a Reply