Ciidamada Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay howlgal ayaa caawa ka fuliyeen Maqaayadda Banaadir Beach, halkaas oo weerar isugu jira Qaraxyo iyo rasaas dabasocotay ku qaadeen Al-shabaab.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Saxaafada ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ay gudaha u galeen Maqaayadda, islamarkaana Xaqiijieen Ammaanka Goobta oo ay ka dagaalamayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
Col Bishaar ayaa Sheegay in tirada guud ee dhimashada ay gaareyso 9 ruux oo Shan kamid ah ay yihiin dad Shacab ah, 2 Askari oo Ciidamada Ammaanka iyo 2 nin oo ah dableydii weerartay Maqaayadda Banaadir Beach, dhaawacana uu yahay 2 qof oo kaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in mid kamid ah kooxdii weerarka Soo Qaaday gacanta lagu hayo isagoo dhaawac ah,
Allah naga qabto cadowga fara ah badan ee soomaalia leedahay in out Amin ogoow waxaan u baa ahanahay wiilal dhiran oo badbaadiya somaliya