Shirka 28-aad ee Madaxda Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa goor dhow ka furmay Hotel Peace ee Magaalada Muqdisho, Shirkani oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Martigaliyay Madaxda ka qeybgalaysa, ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.
Shirkaan ayaa waxuu dhibaato ukeenaya shacabka Muqdisho dadkii wadooyinkii baalaga xiray ganacsigiina maba shaqeynayo, xamer baa madaxda Africa ku shirtey waxay soo kordhinayso majirto.
Leave a Reply