
Wasiirka Amniga gudaha dawladda Federalka ee Soomaaliya, C/risaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in uusan ahayn musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyne ee maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Wasiirka ayaa u xaqiijiyey Saxaaafada in sidoo kale aysan waxba ka jirin warar dhawaan ay daabaceen warbaahinta gudaha qaarkeed.
“ Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo, musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog bay qoreen”, ayuu yiri.
Leave a Reply