Koox hubeysan ayaa Caawa Nabadoon caan ahaa waxey Dileen Degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho, Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Axmed Dhoore ayaa labo Ruux oo ku hubeysnaa bistoolado waxey ku Dileen Degmada Hiliwaa, kadib markii uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada Cishaha nabadoonkan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ku soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.
Leave a Reply