Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiyaha Golaha shacabku uu ku qaabilay xafiiskiisa ayaa kala ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed , Cabdiramaan Maxamed Faroole ,Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Jabarti, waxayna kala hadleen hanaanka doorashadda madaxweynaha dalka sida ay u dhacayso iyo hubinta in doorashadu u dhacdo wanaagsan.
Jawaari ayaa sheegay in barlamaanka Soomaaliya ay si isku mid ah ay ula dhaqmayaan musharxiinta isla markaana doorashaddu ay ku dhici doonto hanaan Cadaaladda ah oo ay ka maran tahay nin jeclaysi.
Leave a Reply