
Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya inuu ka soconayo Caawa Dagaal Xoog leh oo u dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab, Dagaalka ayaa yimid markii Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Ceelka Arbacow oo u dhaw Degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana Dhaqawa Rasaasta laga Maqlayaa Meelo ka baxsan halka uu Dagaalku ka socdo.
Dagaalka ayaa waxaa qaaday dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaasi oo weeraray Saldhig Ciidanka AMISOM ee u dhaw Degaanka Ceelasha Biyaha labada dhinac ayaa isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan.
Leave a Reply